Muxuu Jurgen Klopp ka yiri in Liverpool Xalay lagu aadiyay PSG iyo Napoli????

(England) 31 Agoosto 2018. Isku aadka Champions League oo xalay la soo saaray ayaa kooxda Liverpool lagu riday Group C oo ay kula jiraan kooxda PSG oo soo hanatay Ligue 1, Napoli oo labaad ka soo gashay Serie A iyo waliba Red Star Belgrade oo ku soo guuleysatay horyaalka Serbia.

Tababare Jurgen Klopp oo wax laga waydiiyay Group ka adag ee kooxdiisa la dhigay ayaa yiri:

“Lama yaabin isku aadka.

“Waa PSG, Napoli iyo Belgrade waa sida uu isku aadku u dhacay.

Liverpool will face Paris Saint-Germain, Napoli and Red Star Belgrade

“Aynu marka hore ciyaarno Premier League intaa kaddib aan diyaar u noqono Champions League.

“Kal ciyaareedkii tagay si wayn nooma caawin.

“Waa inaan isku diyaarinaa sida ugu fiican ee aan awoodno.

“Waxaan jelahay inaan isku dayo inaan la qabsado rabitaanada kala duwan ee kooxaha kala duwan ee kaa soo horjeeda.

“Muhiim ma ahan wixii dhacay kal ciyaareedkii tagay.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close