Maurizio Sarri oo talaabo u jira inuu ka sameeyo kulanka Bournemouth rikoorkiisa ugu horeeya Premier League

(Chelsea) 31 Agoosto 2018. Garoonka Stamford Bridge ayaa martigelin doona mid ka mid ah kulamada wareega afaraad ee horyaalka Premier League kadib marka ay Chelsea soo dhaweyso kooxda Bournemouth.

Chelsea ayaa waxay dooneysaa inay guul gaarto kulankeeda afaraad xiriir ah ee horyaalka Premier League si ay kaga mid noqoto kooxaha ku dagaalamaya horyaalka xili ciyaareedkan.

Laakiin sidoo kale kooxda Bournemouth ayaa dhankeeda raadineysa inay guul gaarto kulankeeda saddexaad xiriir ah gaar ahaan kulamada ay ku ciyaareyso meel ka baxsan garoonkeeda.

Maurizio Sarri ayaa lagu wadaa in kulankan Bournemouth uu ka sameeyo rikoorkiisa ugu horeeyay ee horyaalka Premier League, hadii uu guul gaaro, wuxuu noqon doonaa macalinkii 6-aad ee guul gaara 4-ta kulan ugu horeysa ee taariikhda horyaalka Premier League.

Liiska macalimiinta guul soo gaaray 4-ta kulan ugu horeeya xili ciyaareedka ee taariikhda horyaalka Premier League ayaa waxaa kuwada jira Jose Mourinho, Guus Hiddink iyo Carlo Ancelotti oo dhamaantood lasoo gaaray isla kooxda Blues, halka labada macalin kale ay kala yihiin Pep Guardiola iyo Craig Shakespeare.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close