Macalinka xulka qaranka Portugal Fernando Santos oo ku dooday in Cristiano Ronaldo si weyn loo dulmiyay

(Yurub) 31 Agoosto 2018. Macalinka xulka qaranka Portugal Fernando Santos ayaa sheegay inuusan ku guuleysan Cristiano Ronaldo abaal marinta UEFA ee laacibka sanadka yurub xili ciyaareedkii lasoo dhaafay ay tahay qalad weyn.

“Waxay ahayd in Cristiano Ronaldo uu ku guuleysto abaal marintan, sababtoo ah wuu u qalmay”.

“Hadii abaalmarinta ay la xiriirto ciyaaryahankii ugu fiicnaa yurub iyo Champions League, waa hubaa inuu ugu guuleysan lahaa farqi weyn”.

Si kastaba ha ahaatee Fernando Santos ayaa maanta ku dhawaaqay liiska ciyaartoyda xulka qaranka Portugal, waxaana ka maqnaa liiskan magaca laacibka kooxda Juventus, waxayna arintan ku dhacday rabitaanka laacibka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close