Ma aamineysid inta Dhibcood uu Modric ku garaacay Ronaldo iyo Maxamed Saalax abaal marinta Laacibka Sanadka

(Europe) 31 Agoosto 2018. Luka Modric ayaa xalay loo caleemo saaray laacibka Sanadka ee Yurub isagoona dhibco badan ku garaacay xiddigihii la tartamayay ee Cristiano Ronaldo iyo Maxamed Saalax.

Kabtanka xulka Croatia ayaa saaxiibkii hore ee Ronaldo ka sarreeyay 90-dhibcood oo nadiif ah halka uu Maxamed Saalax ka horreeyay 179 -dhibcood.

Luka Modric receives the UEFA Men's Player of the Year award

Codeynta ayaa waxaa qaaday 80-Tababareyaal, 32 ay kooxahooda ka qeyb galeen Champions League iyo 48-tababareyaal ay kooxahooda matalayeen Europe League iyo waliba 55-Saxafiyiin. Inkastoo ay tababarayaashu u codeyn karin laacib ka tirsan kooxdooda.

Image result for Modric, Ronaldo and Salah

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close