DAAWO: Wixii Xalay Xafladii Yurub ku dhex maray Ramos iyo Maxamed Saalax!!!

(Monaco) 31 Agoosto 2018. Sergio Ramos iyo Maxamed Saalax ayaa markii ugu horreysay kulmay tan finalkii Champions League kolkaa uu daafaca reer Spain dhaawac garabka ah garoonka uga saaray wiilka reer Masar.

Xafladii xalay ee lagu bixinayay abaal marinta laacibka sanadka ee Yurub isla markaana lagu sameenayay isku aadka Champions League ayay labada laacib ku kulmeen.

Maxamed Saalax ayaa u tartamayay laacibka Sanadka inkastuu Modric ku guuleystay halka Sergio Ramos loo caleemo saaray daaficii ugu fiicnaa Champions League kal ciyaareedkii tagay.

Markii uu kabtanka Real Madrid soo qaatay abaal marinta isla markaana uu fadhigiisa u soo socday ayuu Maxamed Saalax ka taabtay garabkii uu ka dhaawacay isagoo ka wada Salaan.

Xiddiga Liverpool ayaan wax dhaq dhaqaaq ah sameyn isagoona inkiray salaantiisa.

DAAWO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close