Xidigaha kooxda Real Madrid oo aruursaday Abaal marinada Champions League….+SAWIRRO

(Europe) 30 Agoosto 2018. Real Madrid ayaa urursatay abaal marinada Champions League ee kal ciyaareedkii tagay kaddib markii ay ku guuleysatay markii saddexaad oo xiriir ah.

Laacibka Real Madrid ee Luka Modrić ayaa ku guuleestay abaal marinta xidigaha ugu fiicnaa khadka dhexe ee CL.

Image may contain: 1 person

Luka Modrić ayaa ka caawiyay kooxdiisa Los Blancos inay ku guuleysato koobkeedii saddexaad xiriir ah ee Champions League xili ciyaareedkii lasoo dhaafay kadib markii ay kaga guuleysteen kooxda Liverpool.

Keylor Navas ayaa loo doortay isla markaana ku guulaystay abaal marinta goolhayihiin ugu fiicnaa xili ciyaareedkii la soo dhaafay kadib markii uu kooxdiisa Los Blancos ka soo caawiyay in ay markii saddexaad oo xiriir ah ku guulaysatay koobka UEFA Champions League.

Image may contain: 1 person, text

Halka si la mid ah Sergio Ramos uu ku guuleestay abaal marinta difaaca ugu fiicnaa xili ciyaareedkii lasoo dhaafay 2017/2018, wuxuuna sabab buuxda u noqday in Real Madrid ay kaga guuleysato Liverpool tartanka UCL.

Image may contain: 1 person

Cristiano Ronaldo oo dhawaan Real Madrid kaga dhaqaaqay kooxda Juventus ayaa isna ku guulaystay abaal marinta gool dhaliyihii ugu fiicnaa qaarada Tartanka xili ciyaareedka 2017/2018.

Image may contain: one or more people and text

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close