Roger Federer oo fariin digniin ah u diray dfiaaca kooxda Barcelona Gerard Pique

(Barcelona) 30 Agoosto 2018. Laacibka ciyaaraha tenis-ka ee Roger Federer ayaa wuxuu fariin digniin ah u diray difaaca kooxda Barcelona Gerard Pique, sababa la xiriira inuu ka hadalu in isbadal lagu sameeyo nidaamka Davis Cup.

Pique ayaa u soo jeediyay xiriirka ciyaaraha teeniska inay isbadal ku sameeyaan nidaamka Davis Cup-ka, wuxuuna helay ogolaansho ah 71% xubnaha Golaha Guud ee midowga ciyaaraha Tenniska.

Hadaba Roger Federer ayaa kadib hadalkan kasoo yeeray difaaca kooxda Barcelona wuxuu digniin fariin ah u diray Gerard Pique.

“Anaga ahaan ciyaartoyda tennis-ka, waa wax la yaab leh in ciyaaryahan kubada cagta uu fara galin kusoo sameeyo xirfadeena ciyaareed”.

“Pique waa inuu ahaadaa mid taxadar qaba, Davis Cup-ka looma badali karo Pique Cup”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close