“Real Madrid ayaa xiligan ka xoogan kooxda Barcelona”… Laacibka reer Brazil Ronaldo

(Spain) 30 Agoosto 2018. Laacibka reer Brazil Ronaldo ayaa xaqiijiyay in Real Madrid ay ka xoogan tahay kooxda ay ku dagaalamaan horyaalka La Liga dalka ee Barcelona.

Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa ka mid ah kooxaha uu u soo ciyaaray weeraryahankii hore xulka qaranka Brazil xirfdiisa kubada cagta, waloow Los Blancos uu waqti badan uu kusoo qaatay.

Ronaldo ayaa sheegay in kooxda cadaanka ah ee Real Madrid ay xiligan la joogo ka awood badan tahay dhigeeda Barcelona, isagoo dhinaca kale rajeeyay sanadkan inay isku arkaan finalka Champions League.

“Waxaan soo xirtay maaliyada labada kooxood, laakiin waqti badan ayaan ku qaatay Real Madrid, weli waan jeclahay Real Madrid iyo Barcelona”.

“Sida ay ila tahay Real Madrid ayaa ka xoogan xiligan la joogo kooxda Barcelona, waxaan rajeenayaa in labadan kooxood ay sanadkan isku arki doonaan finalka Champions League”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close