Kullamo ka tirsan tartanka kubadda cagta degmooyinka gobolka Banaadir oo galabta la ciyaari doono

(Muqdisho)  30 Agoosto 2018.  Tartanka kubadda cagta degmooyinka gobolka Banaadir ayaa si xiiso leh u soconayaa, waxaana galabta la ciyaari doonaa kullamo aad u adag.

Labada kullan ayaa ka kala tirsan guruubyada B iyo C   oo ay ku wada jiraan min afar degmo.

ciyaarahaan  ayaa ka kala dhici doona garoomada Koonis iyo Jaamacadaha ee ku yaala caasimadda Muqdisho.

Garoonka Jaamacadaha waxaa isku fara saari doona Warta Nabadda VS  Shibis  ,halka Banaadir ay isku arki doonaan degmooyinka Deyniile iyo Kaaraan.

Warta Nabadda ayaa leh hal dhibac, iyadoo Shibis dhankeeda wadata saddex dhibcood.

Dhanka kale guruubka C, degmooyinka ka ciyaari doona ee Kaaraan iyo Dayniile ayaa leh min hal dhibac.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close