“Ku biiristeyda kooxda Besiktas waxay faa’iido u tahay qof walba”… Loris Karius

(Besiktas) 30 Agoosto 2018. Goolhaayaha kooxda Liverpool ee Loris Karius ayaa ugu dhaqaaqay Besiktas heshiis hal sano ee amaah ah, iyadoo ay Reds gacanta ku dhigtay qiimo dhan 2 million euros.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spin ayaa wuxuu daboolka ka qaaday hadalada shika jaraa’id uu kasoo muuqday Loris Karius, kadib markii uu u dhaqaaqay kooxda  Besiktas

Goolhaayaha reer Germany ayaa ka hadlay dhowr arimood ay ka mid ahaayeen qaladaadkii uu ka sameeyay finalka Champions League ee xili ciyaareedkii lasoo dhaafay .

“Tani waa nolosha, sidoo kale tani waa kubada cagta, ciyaaryahan kasta wuxuu sameeyaa qaladaad”.

“Waa go’aan wanaagsan, si aan u tijaabiyo loolan kale ee cusub, waxaa suuragal ah inaan ku fiicnaado Besiktas oo heysata ciyaartoy waaweyn, waan ku faraxsanahay inaan u ciyaaro kooxdan”.

“In badan ayaan la hadlay Jürgen Klopp, waxaana fahmay sida uu noqon doono booskeyga kooxda, sidaas darteed waxaan ku biiray Besiktas, waa fikir fiican ee faa’iido u leh qof walba”.

Waxaa xusid mudan in Liverpool lasoo saxiixatay suuqan xagaaga goolhaayaha reer Brazil ee Alison Becker, taasoo sababtay in Loris Karius uu u dhaqaaqo kooxda Besiktas.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close