James Rodríguez oo fariin culus u diray kooxaha waaweyn ee qaarada Yurub

(Bayern) 30 Agoosto 2018. Laacibka kooxda Bayern Munich ee James Rodríguez ayaa wuxuu xaqiijiyay in ay si xoogan u doonayaan xili ciyaareedkan ku guuleysiga tartanka Champions League.

“Bayern Munich waxay aad u xiiseeneysaa Champions League xilli ciyaareedkan, inkastoo uu yahay tartan aad u adag laakiin waa inaan ku guuleysanaa”.

“Kama fekereyno kooxda aan kula ciyaari doono Champions League, waxaan kaliya ka fekereynaa inaan guuleysano, isla markaana si wanaagsan aan u ciyaarno, xili ciyaareed kasta waxaan dooneynaa inaan fiicnaano”.

“Xaqiiqdii waxaan kula ciyaari doonaa horyaalka Bundesliga kooxda Borussia Dortmund, laakiin kooxda Bayern Munich waxay ku xooganeed sanooyinkii lasoo dhaafay tartamada gudaha, waana inaan sidoo kale xili ciyaareedkan ku guuleysanaa koobab badan xili ciyaareedkan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close