Dowlada Soomaaliya oo ku dhawaaqday Barnaamij cusub oo lagu dhisayo Stadium Muqdisho+SAWIRRO

(Muqdisho ) 30 Agoosto 2018. Ciidamada AMISOM oo mudo dheer xarun Milatari u aheyd garoonka Muqdisho ayaa ugu dambeyn isbuucan isaga baxay garoonkaasi, waxaana garoonka lagu wareejiyay dowlada Federaalka Soomaaliya.

Ra,isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta  Boqolal shacab ah kula hadlayay garoonka ciyaaraha ee  Stadium Muqdisho, isagoo ugu baaqay in ay ka qayb qaataan Barnaamij-ka is xilqaan oo ah wadankaga wax u qabo, islamarkaana  uu ku dhwaaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Barnaamikaan cusub ayaa sida qorshaha uu yahay lagu billaabi doonaa Tuulada Isboortiga,iyadoo durbo olole Nadaafadeed laga dareemayo.

Qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir oo ay ugu horayso Warta Nabadda ayaa durba bilaabay olole geedaha loogu jarayo garoonka Muqdisho.

Sidoo kale garoonka waxaa ku sugnaa masuuliyiin kala duwan oo uu qayb ka yahay Gudomiyaha Gobalka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Yariisoow.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close