Ancelotti oo sheegay in PSG iyo Liverpool ay yihiin kooxaha ugu cad cad ee ku guuleysan kara Champions League

(Napoli) 30 Agoosto 2018. Macalinka reer talyaani ee Carlo Ancelotti ayaa sheegay in kooxdiisa ay ku adaaday group adag isku aadkii Champions League-ga ee dhawaan la sameeyay.

Carlo Ancelotti ayaa la hadlay wargeyska Football Italy kadib marka la sameeyay isku aadkii Champions League-ga.

“Waa group aad u adag, waxaan la ciyaari doonaa laba kooxood ee ka mid ah kooxaha u sharaxan inay ku guuleysan doonaan Champions League-ga”

“Inkastoo group-ka yahay mid aad u adag, hadana waxaan ku qanacsanahay in Napoli ay la dagaalami karto kooxaha kasoo hor jeeda”.

Isku aadka Champions League-ga ee dhawaan la sameeyay ayay kooxda Napoli uu hogaaminayo xili ciyaareedkan tababare Carlo Ancelotti ayaa waxay ku beegmeen group-ka C ay kuwada jiraan kooxaha PSG, Napoli, Liverpool iyo Red Star Belgrade.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close