Yaya Toure oo ka gudbay tijaabada caafimaadka ee koox ka ciyaarta Premier League

(London) 29 Agoosto 2018 Wakiilka Yaya Toure ayaa xaqiijiyay in laacibku uu tijaabada caafimaadka u maray koox cusub oo la filayo inuu ku biiro.

Yaya Toure ayaa si bilaash ah uga tagay kooxda Manchester City kadib markii uu la qaaday Premier League xiliciyaareedkii hore.

Dimitri Seluk oo ah wakiilka Yaya Toure oo la hadlay Mirror ayaa yiri:

“Yaya wuxuu ka gudbay tijaabada caafimaadka, wuxuuna ku dhawyahay inuu ku biiro koox cusub”.

Dimitri Seluk ayaa la waydiiyay in kooxdaas ay tahay West Ham United, wuxuuna yiri:

“Maya, ma ahan West Ham United, Yaya waa halyeey, mana u qalmo booska ugu hoseeya ee Premier League”.

West Ham United ayaa laga adkaaday dhamaan 3-dii kulan ee ay ciyaartay Premier League xiliciyaareed kaan, waxayna ku jirtaa booska ugu hoseeya ee Horyaalka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close