Sadio Mané oo ka hadlay Mohamed Salah iyo bar-tilmaameedyada Liverpool ee xili ciyaareedkan

(Liverpool) 29 Agoosto 2018. Sadio Mané ayaa wuxuu ka warbixiyay in Liverpool ay ka dhigan doonto muhiimada koowaad xili ciyaareedkan labada tartanka Premier League iyo UEFA Champions League.

Dhinaca kale laacibka reer reer Senegal ayaa wuxuu wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Marca” kaga hadlay tababaraha kooxda Jürgen Klopp iyo saaxiibkiis Mohamed Salah.

“Waxaan ka dheereeyaa Mohamed Salah, laga yaabee in tartanka 100 ama 200 mitir aan ku guuleysan karo”.

“Qof walba wuu ogyahay Jürgen Klopp, waa shaqsi jecel waxa uu qabanayo, wuxuu kaa caawiyaa inaad sare u qaado qaab ciyaareedkaada, aad ayuu kuu dhiiragalinayaa, wax badan ayaan ka bartay waa macalin aad u wanaagsan”.

“Waxaan dooneynaan inaan isku dayno ku guuleysiga Premier League iyo UEFA Champions League, Liverpool waa koox weyn waxayna xaq u leedahay inay u dagaalanto labada tartan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close