Real Madrid oo la xiriirtay koox Ingiriis ah si ay u hesho badalka Marcelo

(Madrid) 29 Agoosto 2018 Real Madrid ayaa xiriir la samaysay koox ingiriis ah si ay u hesho badalka daafaca reer Brazil ee Marcelo.

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in Real Madrid ay xiriir la samaysay kooxda Chelsea si ay u hesho badalka Marcelo.

Real Madrid ayaa kala hadashay Chelsea suurogalnimada ay ku heli karaan saxiixa Marcos Alonso maadaama ay u arkaan inuu yahay badalka ku haboon ee Marcelo.

Kooxda reer Spain ayaa si wayn uga warhaysa inay adag tahay in xiliciyaareed kale ay sii haysato Marcelo maadaama uu aad u doonayo inuu kula biiro Juventus saaxiibkiis Cristiano Ronaldo.

Juventus ayaa ku guul daraysatay saxiixa Marcelo suuqa xaggaagan, laakiin xaggaaga dambe ayeey markale isku dayi doontaa saxiixiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close