RASMI: Mariano Díaz oo dib ugu laabtay kooxda Real Madrid

(Real Madrid) 29 Agoosto 2018. Kooxaha Lyon iyo Real Madrid ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay ka heshiiyeen in laacibka Mariano Díaz uu dib ugu laabtay garoonka Santiago Bernabéu.

Real Madrid ayaa war rasmi ah ay soo saartay waxay ku sheegtay in Mariano Díaz ay ka saxiixatay heshiis 5 sano ah ee hada soo aadan.

Warkan kasoo baxay kooxda Real Madrid ayaa lagu sheegay in Mariano Díaz loogu soo bandhigi doono saxaafada iyo jamaahiirta garoonka Santiago Bernabéu maalinta Jimcaha soo aadan.

Warbixinta ayaa lagu xusay in Real Madrid ay dib ugu soo ceshatay laacibkeeda hore ee Mariano Díaz aduun dhan 33 million euros.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close