Manchester United oo gali karta guruubka dhimashada ee Champions League

(Manchester) 29 Agoosto 2018 Manchester United ayaa gali karta guruubka dhimashada ee koobka horyaalada yurub xili xaalku uu aad ugu xun yahay.

Kooxda ayaa ku bilaabatay xiliciyaareed kaan qaab liita, waxaana laga adkaaday 2-kulan 3-dii kulan ee ay ciyaartay Premier League.

Sida ay baahisay The Sun, Manchester United ayaa ku jirta kooxaha booska labaad marka laga saaray kooxaha ka qayb galaya qori tuurka barri oo khamiis ah.

Kooxaha safka hore ayaa ah Real Madrid, Barcelona, Atletico Madrid, Juventus, PSG, Man City, Bayern Munich iyo Lokomotiv Moscow.

Marka laga reebo Manchester City oo ay isku dal ka soo jeedaan, dhamaan kooxaha kale ayeey hal guruub la gali kartaa Man United.

Kooxaha booska 3-aad ee Manchester la gali kara guruubka waxaa kamid ah Schalke, Lyon, Monaco iyo CSKA Moscow.

Kooxaha booska 4-aad ee guruubka la gali kara Man United ayaa kala ah Club Brugge, Galatasaray, Inter Milan iyo Hoffenheim.

Tusaale ahaan, Man United ayaa ku guruub noqon karta Real Madrid, AS Monaco iyo Inter Milan kaas oo noqonaya guruubka dhimashada.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close