Macalinka Burnley Sean Mark Dyche oo difaacay Mourinho, kahor kulanka ay kuwada ciyaari doonaan Premier League

(Burnley) 29 Agoosto 2018. Macalinka kooxda Burnley Sean Mark Dyche ayaa wuxuu difaacay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho oo la kulmay dhaleeceeno kala duwan tan iyo guuldaradii 3-0 ahayd ee kasoo gaartay Tottenham Hotspur.

“Dhaleeceenta waa qeyb ka mid ah shaqada, si wanaagsan ayuu garanayaa Jose, waxaad la kulmeysaa guul ama guuldaro”.

“Waxaa jira shaqsiyaad aan ku faraxsaneen waxa aad sameeneyso, laakiin Jose Mourinho waa macalin weyn shaki la’aan”.

Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa lala xiriirinayaa inuu isaga dhaqaaqi doono Manchester United kadii ay dhacdo in ay markale guuldaro kala kulmaan kooxda Burnley kulank soo aadan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close