Joachim Low oo markale xulka uga yeeray Leroy Sane

(Berlin) 29 Agoosto 2018 Tababaraha xulka qaranka Germany ee Joachim Low ayaa soo saaray liiska xiddigaha uu u soo xushay kulamada France iyo Peru.

Joachim Low ayaa si lama filaan ah xulka uga reebay Leroy Sane koobkii adduunka ee lagu qabtay Ruushka kaas oo xulka lagu soo reebay wareega guruubyada.

Laakiin tababaraha ayaa dareemay inuu qaldamay kadib markii uu qaatay go’aankaas culus, wuxuuna haatan bilaabay inuu saxo qaladaadkiisii hore.

Leroy Sane ayuu u yeeray si uu ugu ciyaaro xulka kulamada France iyo Peru ee isbuuca dambe, wuxuuna ka soo tagay laacibka Juventus ee Sami Khedira.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close