Halyayga kooxda Manchester United Ryan Giggs oo si weyn u garab istaagay Jose Mourinho

(Manchester) 29 Agoosto 2018. Halyayga reer Weles iyo kooxda Manchester United Ryan Giggs ayaa wuxuu ka hadlay xaalada adag uu haatan ku sugan yahay macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho.

Ryan Giggs ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu taageera u yahay macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho oo haatan xaalad adag kaga sugan kooxda Manchester United.

Laacibkii hore kooxda Manchester United ee Ryan Giggs ayaa ka dalbaday jamaahirta garoonka Old Trafford inay si weyn u caawiyaan Jose Mourinho.

“Waa waqtigii ay istaagi lahaayeen jamaahiirta si ay u garab istaagaan Jose Mourinho, ciyaartoyda iyo kooxda intaba, waa waqti adag ay ku jirto Manchester United, laakiin waqti badan ayaan heysanaa, waxaa ina soo martay waqtiyo badan ee adag waana ka gudubnay”.

“Waxay wajihi doonaan Burnley dhamaadka todobaadkan, waa fursad aad u wanaagsan ee looga gudbi karo jawigan xun”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close