PSG oo qorshaynaysa inay FIFA u gudbiso dacwad ka dhan ah Barcelona (Maxay isku haayaan?)

(Paris) 27 Agoosto 2018 Kooxda reer France ee PSG ayaa qorshaynaysa inay dacwad ka dhan ah Barcelona u gudbiso xiriirka kubadd cagta adduunka ee FIFA.

Wargayska Sport ayaa daaha ka qaaday in xiriirka u dhexeeya PSG iyo Barcelona uu burburay waqtigii ay la wareegeen Neymar xaggaagii 2017.

PSG ayaa haatan qorshaynaysa inay dacwayso Barcelona kadib markii wadahadal aan sharci ahayn ay la yeelatay laacibkeeda Adrien Rabiot.

Image result for Adrien Rabiot Barcelona

Qandaraaska Adrien Rabiot ee PSG waxaa uga harsan hal sano, xaqna uma lahan Barcelona inay wadahadal aysan ogayn PSG inay la yeelato laacibka ilaa laga gaarayo bisha Janaayo markaas oo sharcigu uu u ogolaanayo inay wadahadal gaar ah la yeelato.

Dadaalka haatan PSG ay ugu jirto saxiixa Ivan Rakitic ayaa ah mid ay uga jawaabayso isku daygooda saxiixa Adrien Rabiot.

Waxaana suurogal ah in labada laacib aysan ka dhaqaaqin kooxahooda suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close