Kullamo ka tirsan tartanka kubadda cagta degmooyinka gobolka Banaadir oo galabta la ciyaari doono

(Muqdisho) 27 Agoosto 2018.  Tartanka kubadda cagta degmooyinka gobolka Banaadir ayaa si xiiso leh u soconayaa, waxaana galabta la ciyaari doonaa kullamo aad u adag.

Labada kullan ayaa ka kala tirsan guruubyada C iyo D   oo ay ku wada jiraan min afar degmo.

ciyaarahaan  ayaa ka kala dhici doona garoomada Koonis iyo Jaamacadaha ee ku yaala caasimadda Muqdisho.

Garoonka Jaamacadaha waxaa isku fara saari doona Boondheere iyo Dayniile, halka Banaadir ay isku arki doonaan degmooyinka Hilliwaa iyo  Xamar Weyne

Boondheere iyo Dayniile, ayaa ku jira guruubka C, iyadoo dhanka kale Hilliwaa iyo  Xamar Weyne ay ciyaarayaan kullankii ugu horreeyay guruubka D.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close