SAWIRRO XUL AH: Kaaraan iyo Howl-Wadaag  oo isku garba dhacay

(Gaalkacyo) 27 Agoosto 2018. Degmooyinka Kaaraan iyo Howl-wadaag ayaa  kulan aad u xiiso badan  ku yeeshay garoonka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Labada degmo oo kuwada jira   Group C  ayaa soo bandhigay ciyaar aad loogu bogay waxaana   qaybta hore   lagu kala  nastay  1-0 oo ay hogaanka ku hayaan Wiilasha Howl-wadaag oo  goolka uga mahad celinayaa  laacibkooda Laacibka no-8  Cabdullaahi Yuusuf  Maxamed oo rigooro u dhaliyay.

Marki laysku soo     degmada Kaaraan oo kaashanaysa taageerayaasheeda sida wayn usoo camiray garoonka  ayaa keensatay goolka barbaraha waxaana daqiiqadi 47 u saxiixay laaacibka no-9   Maslax  Cabdi Shiikh.

Howl-wadaag oo xagga  fursadaha  goolka loo filan karo aad uga gacan saraysay  Kaaraan ayaa qaybta  labaad iska qasaarisay   4  fursada oo dahabi ah, waxaana   laba kamid ah   gool sax noqon lahaa  garab dhaaf ka dhigay   xiddigo Howl-wadaag ah oo  booska garab dhaafka ( Off-side ku sugnaa kuwaa uu galay damac isla markaana  taabtay  kubad goosha ku socotay sidaana qalad looga dhigay.

Kaaraan iyo Howl-wadaag ayaa sidaa ku qaatay  min hal dhibic, waxaana     laga wardhowrayaa  kooxda hogaanka u qaban doonta  Group C Boondheere iyo  Deyniile  oo  garoonka Jaamacadaha ku ballansan  maanta

 

Waaxda Saxaafadda xafiiska Isboortiga Gobolka Banaadir

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close