Dortmund oo jawaab kama danbays ah ka sugaysa Paco Alcacer

(Dortmund) 27 Agoosto 2018 Weerar yahanka kooxda Barcelona ee Paco Alcacer ayaa loo sheegay inuu raadsado koox uu ku biiri karo suuqa xaggaagan.

Laacibka ayaa wadahadal la yeeshay Borussia Dortmund, laakiin heshiiska ayaa ah mid aan wali la dhamaystirin xili suuqu uu gabaabsi yahay.

Image result for Paco Alcacer Dortmund

Wargayska Sport ayaa daaha ka qaaday in Barcelona ay kala heshiisay saxiixa Paco Alcacer kooxda Borussia Dortmund, waxaana la isku afgartay inuu amaah hal xiliciyaareed ah ugu biiro iyaga oo bixinaya 2.5 milyan oo euro.

Heshiiska waxaa qayb ka ah in Borussia Dortmund ay ku wada iibsan karto 25 milyan oo euro haddii uu la qabsado kooxda.

Borussia ayaa haatan ka warsugaysa go’aanka Paco Alcacer kaas oo diidi kara heshiiska isla markaana yeeli kara, waxaana loo qabtay 48-saac gudahood inuu ku bixiyo jawaab lagu qanci karo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close