Eden Hazard oo Kaalinta 3-aad ka soo xirtay Chelsea

(London) 27 Agoosto 2018.  Eden Hazard ayaa noqday laacibka saddexaad ee ugu goolasha badan Chelsea Premier League kaddib Rigooradii uu ka xareeyay Newcastle United ciyaartiis ay xalay uga adkaadeen 2-1.

Kabtanka xulka Belgium ayaa gool u badelay Rigoore lagu galay Alonso qeybtii labaad ee dheesha taa oo ka dhiganeyd inuu Blues u dhaliyay goolkii 70-aad ee Premier League.

Waxaa ka goolal badan oo qura rugcadaayadii hore ee kooxda Frank Lampard oo dhaliyay 147-gool iyo Didier Drogba uu shabaqa dhex dhigay 104-gool horyaalka Premier League intii uu u ciyaarayay Chelsea.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close