Yaaqshiid iyo  Shangaani oo barbaro isla dhaafi waayay+SAWIRRO

(Muqdisho) 26 Agoosto 2018.Degmooyinka  Yaaqshiid iyo Shangaani oo kuwda jira Group A ayaa kulan adag  ku yeeshay garoonka jaamacdaha ee magaalada Muqdisho, waxayna isla dhaafi waayeen barbaro 2-2.

Yaaqshiid ayaa goolasha ku hormartay waxaana  qaybta labaad ee ciyaarta daqiiqadihi 50 iyo 58 u kala dhaliyay laacibka no-19  Mursal  Cabduqaadir Deexeey iyo   Mustaf Axmed Cabdullaahi

Dhanka shangaani waxaa  goolasha oo mid kamid ah  daqiiqadihi u dambeeyay ciyaarta dhashay u kala saxiixay  Cabdullaahi Cusmaan Shiikh Nuur oo daqiiqadi 61 saxiixay iyo  Maxamed Cabdulqaadir Maxamed oo daqiiqadi 80 saxiixay maadaama ay ciyaaraha   degmooyinka   waqti ahaan la ciyaaro mid 40 daqiiqo oo labada qayb ah taasoo ka dhigan in ay Shangaani  goolka barbaraha heshay daqiiqadi u dambaysay ciyaarta.

Dhanka kale kullankii u dhaxeeyay Warta Nabadda iyo Hodan ayaa ku soo dhamaaday bar baro 1-1.

W/D: Xuseen Hadaafoow

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close