Loris Karius oo fariin qiiro leh u diray jamaahiirrta Liverpool kadib markii uu ku biiray kooxda Besiktas

(Besiktas) 26 Agoosto 2018. Goolhayihii hore ee kooxda Liverpool Loris Karius ayaa wuxuu fariin qiiro leh u diray garoonka Anfeld, kadib markii uu kaga dhaqaaqay kooxda Besiktas.

Loris Karius ayaa kadib markii uu gaaray kooxda Besiktas wuxuu bartiisa Instagram-ka fariin qiiro badan kula soo wadaagay jamaahiirrta kooxda reer England, iyo sidoo kale jamaahiirrta kooxdiisa cusub.

“Waan ku faraxsanahay inaan ka mid noqdo qoyska Bishktas, qaabka aad iigu soo dhaweyseen garoonka diyaaradaha, waxay ahayd si caajiib ah, waxaan wax walba u bixin doonaa si aan idinkula guuleysto koobab”.

“Waxaan si aad ah ugu mahad celinayaa jamaahiirta kooxda Livepool, isla markaana si weyn ii garab taagnaa, si weyna ii aaminay ilaa iyo haatan, waad tihiin kuwa aanan marka ii ogolaanin inaan kaligey socdo”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close