Jorginho waa Macalinka BAASKA……(Arag RIKOODHKA uu caawa dhigay)

(England) 26 Agoosto 2018. Jorginho ayaa Chelsea u dhigay Rikoodh Cusub kaddib guushii ay dhawaan 2-1 ka gaareen kooxda Newcastele United.

Laacibkii hore ee Napoli ayaa noqday xiddiga sameeyay Baasaska ugu badan ee hal kulan uu sameeyo laacib u ciyaara Chelsea.

Rikoodhkan waxaa horey u heystay Cesc Fabregas oo sameeyay 144 baas kulan ay Blues la ciyaarta West Brom afar sano ka hor.

Chelsea's Marcos Alonso can't believe his luck after his effort at goal was deflected into the Newcastle net by Yedlin

Balse waxaa Rikoodhkaas jabiyay oo mid cusub kooxda reer London u dhigay Jorginho oo sameeyay 158 baas ciyaartii ay iminka ka adkaadeen Newcastle.

Jorginho ayaa sidoo kale kaalinta labaad ka soo galay liiska laacibiinta baasaska ugu badan ka sameeyay hal kulan Premier League oo waxaa ka horreeya oo qura Ilkay Gundogan oo sameeyay 167 baas ciyaar ay Man City la yeelatay Chelsea sanadkii tagay.

EEG LIISKA:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close