Halyeeyada Liverpool oo weerar ku qaaday Benítez, kadib guuldaradii kasoo gaartay Chelsea

(Premier League) 26 Agoosto 2018. Halyeeyada kooxda Liverpool Jamie Redknapp iyo Graeme Souness ayaa si xun u weeraray Benítez, sababa la xiriira qorsha ciyaareedka uu ku soo galay kulankii ay kooxdiisa Newcastle guuldarada kasoo gaartay dhigooda Chelsea.

Newcastle United ayaa guuldaro kasoo gaartay kulankooda saddexaad ee horyaalka Premier League xili ciyaareedkan cusub, kadib markii loogu awood sheegtay 2-1, xili ay ku ciyaarayeen garoonkooda.

Benítez ayaa kusoo galay ciyaarta qaab difaaceed, kadib markii ay ku difaactameen ciyaartoy fara badan, taasoo xaalada ku adkeesay ciyaartoyda kooxda reer London ee Chelsea 45-ka daqiiqo ugu horeesay ee ciyaarta.

Jamie Redknapp ayaa u sheegay shabakada Sky Sports “Way adkeyd in daawado, tani ma ahyn kubada cagta, waa sax inay shaqo tahay, laakiin ma aysan ahayn kubada cagta ee la daawan karo”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close