“Cristiano waa ciyaaryahan marnaba aan la rumeysan karin”…mid ka dmid ah difaacyada Lazio oo sidaas ku calaacalay

(Serie A) 26 Agoosto 2018. Laacibka kooxda Lazio Adam Marušić ayaa sheegay in dhigiisa kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo uu yahay xidig aan marna la rumeysan Karin.

Xidiga kooxda Lazio ayaa wuxuu hadalkiisa imaanayaa kadib guuldaradii 2-0 ahayd ee kasoo Juventus kulankooda labaad horyaalka dalka Talyaaniga ee xili ciyaareedka cusub.

“Cristiano Ronaldo waa ciyaaryahan marnaba aanan jirin wax lagu tilmaami karo, waa xidig aan la rumeysan Karin”.

“Ronaldo wuxuu sameeyay bandhig wanaagsan kulankii aan wada ciyaarnay, sidoo kale Mario Mandzukic, waxay ahaayeen laba weerar yahan ee aad u xoogan”.

“Juventus waxay heystaa xidigo aad u wanaagsan, way adag tahay inaan ka hortimaado, waxaan soo bandhignay qaab ciyaareed wanaagsan 30-ka daqiiqo ugu horeeyay, kahor inta uusan dhaga dhalanin goolka”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close