Chelsea oo Guul Waqti dambaa ka gaartay Newcastle kaddib Otareero ay iska Dhaliyeen Xiddigaha Martigaliyaasha+SAWIRRO

( Premier League ) 26 Agoosto 2018. Chelsea ayaa gacanta ka saartay guushii seddaxaad oo xariir ah maamulahooda cusub ee Maurizio Sarri markii ay 2-1 kaga badiyeen Newcastle

Cayaarta ayaa lagu kala maray qeybta hore barbaro goolal la’aan, inkastoo ay kooxda Chelsea si aada kaga gacan sareysay Newcastle.

Dhan walbaa ayay kooxda Blues ka weerartay Martigaliyaasha balse ma aysan suura galin inay dhaafan daafaca.

Newcastle dhankooda ma jirin fursado halis galin karay goolka Chelsea oo ay sameeyeen qeybta koowaad waxayna inta badan cayaartooda aheyd mid difaaca.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha labaad labada koox ayaa halkoodii kasii  waday cayaar wanaagooda walow kubbadu ay aheyd mid dhibac kaliya uun ka socotay.

Chelsea ayaa ku dhawaatay inay hesho goolka kowaad cayaarta markii uu darab xoogan uu kasoo tuuray banaanka diilinta ganaaxa uu birta ku garaacay daafaca Antonio Rudiger.

Cayaarta oo socoda daqiiqadii 76-aad Chelsea ayaa loo dhigay rigoore markii qalad lagu galay daafaca Marcos Alonso waxaana goolku laadkii loo dhigay gool u badalay Edan Hazard.

Ma uusan sii dheeraan hogaanka Chelsea ay dheesha ku qabatay markii kooxda Newcastle ay la timid goolka bareejada waxaana madax ugu dhaliyay laacibka Joselu daqiiqadii 83-aad kaddib kubbad diib ah oo loosoo dhigay taaso u muuqatay Foul ama qalad uu mid kamida cayaariyahanada Newcastle uu ku galay weeraryahanka Olivier Giroud.

Balse durbadiiba Chelsea ayaa ka jawaabtay goolka laga barbareeyay markii uu dheesha hogaankeeda dib ugu soo celiyay daafac Marcs Alonso oo kubbad caawin madaxa ka helay Giroud kaddibna shuud hoose uu tuuray ay ku dhacday daafaca Newscastle DeAndre Yedlin sidaana uga dhaliyay gool kooxdiisa.

DAAWO SAWIRRADA DHEESHA

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close