Mesut Ozil oo seegaya kulanka galabta ee West Ham United (Ogoow sababta)

(London) 25 Agoosto 2018 Taageerayaasha Arsenal ayaa maqlaya war aan u wanaagsanayn kadib markii la baahiyay in kubadd abuurahoodu uu seegayo kulanka galabta.

Arsenal oo soo guul daraysatay labadii kulan ee ugu horeeyay xiliciyaareed kaan ayaa galabta marti qaadaysa kooxda West Ham United.

Wararka ka imaanaya ingiriiska ayaa sheegaya in Mesut Ozil uu xanuunsan yahay isla markaana aysan suurogal ahayn inuu ciyaaro galabta.

Tababare Unai Emery ayaa la filayaa in booskiisa uu ka ciyaarsiiyo galabta Aaron Ramsey oo keydka la dhigay kulankii Chelsea.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close