Bayern Munich oo ka wal walsan dhaawicii halista ahaa ee xalay soo gaaray Kingsley Coman

(Munich) 25 Agoosto 2018 Bayern Munich ayaa xalay 3-1 ku garaacday kooxda Hoffenheim kulan ka tirsanaa horyaalka jarmalka ee Bundesliga.

Laakiin kooxda ayaa kulankaas ku waysay laacib muhiim u ah kaas oo ah Kingsley Coman, waxaana la sheegayaa in dhaawiciisu uu yahay mid aad halis u ah.

War ka soo baxay Bayern Munich ayaa lagu sheegay in 22 jirka reer France uu garoomada ka maqnaan doono muddo dhawr isbuuc ah.

Laakiin Wargayska Bild Sport ayaa dhankiisa baahiyay in dhaawaca Kingsley Coman uu yahay mid halis ah isla markaana wuxuu maqnaanayaa muddo dhan 3-bil.

Kingsley Coman ayaa la sawiray isaga oo biro ku boodaya kadib dhaawicii soo gaaray xalay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close