Xavi oo Barcelona farta ugu fiiqay inay PSG ka soo afduubtaan….

(Europe) 24 Agoosto 2018. Kabtankii hore ee Barcelona Xavi ayaa ugu baaqay kooxdiisii hore inay PSG ka soo afduubtaan xiddiga qadka dhexe ee Adrien Rabiot.

Barca ayaa qorsheynaysa inay u soo dhaqaaqdo Rabiot haddii ay ku fashilmaan soo xero galintooda xiddiga qadka dhexe ee Ajax Frankie De Jong.

Xavi ayaana qaba in talaabo fiican tahay haddii ay Barcelona u daqaaqdo soo xero galinta laacibka reer France ka hor inta uusan xirmin Suuqa La Liga usbuuca soo socda.

Image result for rABIOT TO bARCELONA

“Waa ciyaaryahan farsamo ahaan heer sare ah, Xavi ayaa sidaa u sheegay warsidaha reer Spain ee Mundo Deportivo .

“Si fiican ayuu uga ciyaari karaa sida qadka dhexe ee Barca.

“Haddii uu Rabiot yimaado, wuxuu noqon doonaa saxiix Wayn .”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close