Real Madrid oo ka warbixisay fikirkeeda kaga aadan in Mbappé ay lasoo saxiixan doonto Isniinta soo aadan

(Real Madrid) 24 Agoosto 2018. Wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in wali ay isha ku heyso barista uu xiriirka kubada cagta qaarada yurub ee UEFA ku hayaan kooxda Paris St Germain.

Real Madrid ayaa waxay dooneysaa inay lasoo saxiixato weeraryahanka da’ada yar ee reer France iyo kooxda Paris St Germain ee Kylian Mbappé.

PSG ayaa lagu tuhmayaa inay ku xad gudubtay sharciga dhaqaalo wanaagsan, waxayna indhaha UUFA qabteen tan iyo markii ay Neymar Jr kala soo saxiixdeen kooxda Barcelona aduun dhan 222 million euro.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in guddiga mas’uulka ka ah baaristan ay si buuxda dib u eegis ugu sameenayaan diiwaanada Paris Saint-Germain ee dhanka dhaqaalaha.

Go’aanka kama dambeysta ah ee kiiskan ku aadan in PSG ay ku xad gudubtay sharciga dhaqaala wanaaga ayaana la gaari doonaa maalinta Isniinta ee soo aadan.

Laakiin hadii PSG uusan wax dabi ah kusoo bixin kooxda Real Madrid ayaan sameyn doonin saxiixa xidig cusub maadaama ay raadineyso wali inay hesho badalka Cristiano Ronaldo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close