Real Madrid oo fashil kala kulmaysa inay iska fasaxdo laacib kaan

(Madrid) 24 Agoosto 2018 Real Madrid ayaa u muuqata mid fashil kala kulmaysa inay iska fasaxdo suuqa xaggaagan goolhayeheeda Kiko Casilla.

Marca ayaa baahisay in goolhaye Kiko Casilla uu u muuqdo mid noqonaya goolhayaha 3-aad ee Real Madrid xiliciyaareed kaan maadaama aysan muuqan dhaq dhaqaaq lagu iibinayo xaggaagan.

Image result for Kiko Casilla

Mushaarka 31 jirkaan reer Spain ayaa hortaagan inuu ka tago Real Madrid, waxaa doonaya kooxaha Sevilla iyo Espanyol laakiin ma awoodaan inay bixiyaan mushaarkiisa haatan ee Real Madrid.

Heshiiska Kiko Casilla ee Real Madrid waxaa uga harsan 2-sano, wuxuuna mushaar u helaa sanadkii 2.5 milyan oo euro, wuxuuna diiday inuu ka tanaasulo mushaarkiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close