Marcelo oo isku dayi doona inuu ka dabatago Cristiano Ronaldo (Goorma?)

(Madrid) 24 Agoosto 2018 Daafaca Real Madrid iyo xulka Brazil ee Marcelo ayaa isku dayaya inuu ka dabatago saaxiibkiis Cristiano Ronaldo.

Laacibka reer Portugal ayaa ka tagay Real Madrid suuqa xaggaagan, wuxuuna 100 milyan oo euro ugu biiray Juventus.

Marcelo oo saaxiibo isku dhaw ay ahaayeen ayaa dhankiisa isku dayay inuu la midoobo Ronaldo, laakiin Real Madrid ayaa diiday inay iska iibiso xiddigaan.

TuttoMercato ayaa daaha ka qaaday in Marcelo uu wali doonayo inuu ku biiro Juventus, qorshaha ayaana ah inuu u dhaqaaqo SerieA xaggaaga 2019.

Marcelo ayaa noqonaya 31 jir dhamaadka xiliciyaareed kaan, Real Madrid ayeeyna u badan tahay inaysan hor istaagin haddii ay ku hesho qiimo macquul ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close