Ernesto Valverde oo daboolka ka qaaday fikirka ay kooxda Barcelona ka qabto iibinta Ivan Rakitić

(Barcelona) 24 Agoosto 2018. Ernesto Valverde ayaa xaqiijiyay in kooxda Barcelona aysan marka ku fikiri doonin inay iska iibiyaan laacibkooda khadka dhexe ee reer Croatia Ivan Rakitić.

Kooxo fara badan ee qaarada yurub ay ugu horeeso kooxda Paris Saint-Germain ayaa waxay baadi goob xoogan ugu jiraan saxiixa Ivan Rakitić si ay ugu buuxistaan khadkooda dhexe.

Laakiin macalinka reer Spain ee Ernesto Valverde ayaa sheegay in Rakitić uu kusii sugnaan doono garoonka Cump Nou, isagoo carabka ku adkeeyay inuu muhiim u yahay kooxda.

“Waxaan ahay macalin waxaana xili kasta doonayaa waxa fiican, sidaas darteed Rakitić wuxuu ka mid yahay xidigaha ugu wanaagsan aduunka”.

“Waxa uu ku xiran yahay kooxda, wuxuuna ogyahay sida aan u ciyaareyno, maahan inaan halkaan ganacsi ka sameyno, ee waa inaan ku guuleysanaa koobab”.

“Ivan Rakitić waa mid muhiim u ah kooxdeena, qof walba waa ogyahay muhimada uu inoo leeyahay, waxaan rajeynayaa inuu nala sii joogi doono shaki la’aan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close