DEG DEG: Kabtanka Tottenham oo XABSI la dhigay ka hor kulanka Man United…(Muxuu sameeyay??)

(London) 24 Agoosto 2018. Kabtanka kooxda Tottenham Hugo Lloris ayaa la xiray kaddib markii ay Boolisku qabteen isagoo Cabsan oo Baabuur kaxeynaya.

Goolhayaha 31 jirka ee xulka Faransiiska kula guuleystay Koobka Adduunka ayuu Boolisku ka qabtay Gloucester Place ee ku dhow Wadada Baker ee bartanka Magaalada London.

Waxaa la geeyay xarunta Booliska ee ku taala Charing Cross, halkaa oo Sawiro, Faro iyo waliba DNA looga qaaday ka hor inta aan Xabsiga la dhigin.

Hugo Lloris ayaa la aaminsan yahay inuu 7-saacadood ku qaatay Jeelka ka hor inta aan lagu soo deyn Damiin.

Waxaa lagu amray inuu 11 ka Bisha September ka soo muuqdo Maxkamadda Westminster magistrates.

Goolhayaha ayaa hor kici doona kooxdiisa Tottenham marka ay Isniinta wajahayaan Manchester United kulan ka tirsan Premier League.

Related image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close