Claudio Marchisio oo ku dhaw inuu ku biiro kooxdaan

(Zenit) 24 Agoosto 2018 Laacibkii dhawaan ka tagay Juventus ee Claudio Marchisio ayaa u muuqda mid helay koox kale oo uu ku biiro.

Claudio Marchisio ayaa dalabyo badan ka helayay Maraykanka iyo Shiinaha, laakiin wuxuu doorbidayaa inuu ka ciyaaro qaarada yurub.

La Gazzetta dello Sport ayaa baahiyay in Claudio Marchisio uu aad ugu dhaw yahay ku biirida kooxda ka dhisan Ruushka ee Zenit.

Waxaa jira kooxo badan oo doonaya saxiixa Claudio Marchisio sida Atletico Madrid iyo PSG, laakiin Zenit ayaa haatan aad ugu dhaw saxiixiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close