Ancelotti oo u sheegay kooxaha SerieA inuu doonayo in horyaalka uu u gacan galiyo Napoli

(Naples) 24 Agoosto 2018 Tababaraha cusub ee Napoli ee Carlo Ancelotti ayaa u sheegay kooxaha kula tartamaya horyaalka inaysan yaraysan kooxdiisa.

Ancelotti ayaa sheegay inuu si wayn ula dhacay mashruuca Napoli sidaas darteedna uu u aqbalay inuu layliyo kooxda ka dhisan koofurta talyaaniga.

Wuxuu cadeeyay inuu doonayo inuu horyaalka la qaado kooxda Napoli oo xiliciyaareedkii hore ku dhawaatay inay hanato.

“Waan jeclaa inaan dib ugu soo laabto talyaaniga oo aan tababare ka noqdo, dhabtii waan aaminsanahay mashruuca kooxdaan” ayuu yiri tababare Ancelotti.

“Waxaan rajaynayaa inaan u qaado horyaalka, waxaan haysanaa koox leh tayo badan, waxaan leenahay hadaf muhiim ah”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close