“Waa inaan guul gaarnaa kulanka West Ham, waxaana heystaa qorshaha aan sidaas ku sameyn karno”… Unai Emery

(Arsenal) 23 Agoosto 2018. Macalinka reer Spain ee kooxda Arsenal Unai Emery ayaa kasoo muuqday shir jaraa’id, kaasoo dhawaan lasoo gaba gabeeyay, wuxuuna ka hadlay kulanka soo aadan ay la ciyaari doonaan West Ham.

Kooxda Arsenal ayaa soo guuldareesatay labadii kulan lasoo dhaafay ay kula soo ciyaartay horyaalka Premier League kooxaha Manchester City iyo Chelsea.

Unai Emery ayaa sheegay in Guuners ay wali heysato fursad ay ku sameyn karto isbadal xoogan madaama xili ciyaareedka uu wali fog yahay.

“Waxaan heysanaa 38 kulan, kulan kastana wuxuu leeyahay xisaab gaar ah iyo qorshe gaar ah, labada kulan lasoo dhaafay waxay ahaayeen kuwo aad u adag”.

“Sidoo kale kulankeena soo aadan ee saddexaad ayaa ah mid aad u adag isla markaana muhiim ah, laakiin waxaan heystaa qorsho qaas ah ee aan ku guuleysan karno kulankan”.

“West Ham waa koox fiican, waxay heystaan ciyaartoy tayo badan iyo tababare khabiir ku ah Premier League, laakiin waa inaan ka fekernaa sida loo xakameyn lahaa ciyaarta si aan guul u gaarno”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close