Maurizio Sarri oo isbadal ku samaynaya shaxda Chelsea kulanka Newcastle United ee axada

(London) 23 Agoosto 2018 Tababaraha cusub ee Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa la filayaa inuu isbadal ku sameeyo shaxda kooxdiisa kulanka axada.

Maurizio Sarri ayaa guul ku furtay Premier League labadii kulan ee ugu horaysay oo uu ka kala adkaaday kooxaha Huddersfield iyo Arsenal.

Axada ayeey Chelsea u safraysaa kooxda Newcastle United kulan laga daawan doono bariga Afrika 6-da maqribnimo.

Waxaana la filayaa in tababare Sarri uu ku soo bilaabi doono kulankaas Eden Hazard oo keydka ku soo bilowday labadii kulan ee ugu horeeyay.

Willian ama Pedro midkood ayaana fariisan doona keydka kulanka Newcastle United, Morata ayaa isna ku soo bilaaban doona, halka Barkley uu xajisan doono booskiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close