Bayern Munich oo adeegsanaysa xeeladaan si ay isaga dirto Jerome Boateng

(Munich) 23 Agoosto 2018 Bayern Munich ayaa diyaarisay qorshe cusub oo u suurogalinaya inay iska dirto suuqa xaggaagan daafaceeda Jerome Boateng.

Sida muuqata 29 jirkaan dhaawaca badan ayeey qaati ka taagan tahay Bayern Munich, waxaana haatan aad u doonaya kooxda PSG.

Wargayska Kicker ayaa baahiyay in Bayern Munich ay go’aamisay inay yarayso qiimaha suuqa ee Jerome Boateng si ay u hesho koox la wareegta.

Bayern Munich ayaa markii hore ku doonaysay Jerome Boateng lacag dhan 50 milyan oo euro, laakiin haatan waxay ku doonayaan lacag u dhexeysa 40 ilaa 30 milyan oo euro.

PSG ayaa xiriir joogto ah la samaysa Jerome Boateng si ay ula wareegto suuqa xaggaagan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close