Barcelona oo markii ugu horaysay ka hadashay bixitaanka Ivan Rakitic

(Barcelona) 23 Agoosto 2018 Barcelona ayaa markii ugu horasay ka hadashay bixitaanka laacibkeeda reer Croatia ee Ivan Rakitic.

Laacib kaan ayaa dalbaday in loo kordhiyo mushaarka si uu ugu saxiixo heshiis cusub kooxdiisa Barcelona, laakiin dalabkiisa ayaa noqday mid aan wali la fulin.

Madaxa warfaafinta kooxda Barcelona oo si gaar ah ula hadlay idaacada Cadena Ser ayaa yiri:

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan haysano Ivan Rakitic, waxaan rajaynaynaa inuu nala sii joogo sanado badan”.

Hadalka Barcelona ayaa ku soo aadaya xili PSG ay diyaarinayso inay ka gudbiso Rakitic lacag dhan 100 milyan oo euro si ay ula wareegto suuqa xaggaagan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close