Barcelona oo diyaarisay qorshe ay uga farxinayso Ernesto Valverde

(Barcelona) 23 Agoosto 2018 Maamulka Barcelona ayaa diyaariyay qorshe ay uga farxinayaan tababare Ernesto Valverde xiliciyaareed kaan.

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in maamulka Barcelona ay dhawaan wadahadal la furayaan wakiilka tababare Ernesto Valverde si looga saxiixo heshiis cusub.

Wadahadalada ayaa bilaabanaya bisha September ee sanadkaan ama bilowga bisha October si Ernesto Valverde uu qalinka ugu duugo heshiis cusub.

Qandaraaska Ernesto Valverde ee Barcelona ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, waxaana ku jira heshiiska in laga saxiixi karo sanad kale oo dheeri ah.

Barcelona ayaa go’aansatay inay heshiis cusub ka saxiixdo tababaraha si aan mugdi loo galin mustaqbalkiisa inta uu socdo xiliciyaareed kaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close