Xiliciyaareedkii Claudio Bravo oo soo idlaaday iyo Man City oo raadinaysa badalkiisa

(Manchester) 22 Agoosto 2018 Dhaawac halis ah ayaa soo gaaray goolhayihii labaad ee Manchester City kaas oo haatan la sheegayo in xiliciyaareedkiisii uu soo idlaaday.

Sida la filayo Claudio Bravo ayaa ka maqnaanaya Manchester City inta badan xiliciyaareed kaan haatan bilowday kadib dhaawac halis ah oo ka soo gaaray faysha.

Claudio Bravo ayaa gaaray magaalada Barcelona si loo hubiyo dhaawiciisa, kooxdiisa ayaa xaqiijisay in laacibku uu baaritaan dheeri ah mari doono bari oo khamiis ah markaas oo laga soo saari doono war kama danbays ah.

Sida ay baahisay AS, Manchester City ayaa u dhaqaaqaysa soo xerogalinta goolhayaha Real Madrid ee Keylor Navas.

U dhaqaaqida City ee Navas ayaa ku xiran in laacibku uu ku cadaadiyo kooxdiisa in la iska fasax maadaama ay la soo saxiixdeen Thibaut Courtois.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close