Thierry Henry oo tababare u noqonaya koox ka dhisan horyaalka Faransiiska

(Bordeaux) 22 Agoosto 2018 Halyeeyga reer France ee Thierry Henry ayaa ugu danbayn sanado badan kadib ka soo muuqanaya horyaalka dalkiisa.

Thierry Henry ayaa aqbalay inuu layliyo kooxda Bordeaux ee horyaalka France sida ay baahisay idaacada RMC.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Thierry Henry uu caawiye ka dhiganayo xiddigii hore ee Arsenal ee Gilles Grimandi.

Henry ayaa si wayn loola xiriiriyay shaqada kooxda Aston Villa xiliciyaareed kaan, laakiin haatan wuxuu heshiis la gaaray kooxda Bordeaux.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close