Real Madrid oo markale isku dayaysa saxiixa Eden Hazard

(Madrid) 22 Agoosto 2018 Real Madrid ayaan wali ka quusan saxiixa kubadd abuuraha kooxda Chelsea iyo xulka Belgium ee Eden Hazard.

Kooxda reer Spain ayaa dadaal xoogan u gali doonta maalmaha soo socda sidii ay Chelsea ugu qancin lahayd saxiixa Eden Hazard ka hor inta uusan xirmin suuqa.

Real Madrid ayaa u aragta Eden Hazard badalka Cristiano Ronaldo kaas oo 100 milyan oo euro ugu dhaqaaqay xaggaagan kooxda Juventus.

Blues ayaa wali ku adkaysanaysa in Eden Hazard uusan iib ahayn waqtigaan, laacibka qudhiisa ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sii joogidiisa Chelsea.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close